Wariyeyaasha Mudug oo ka faa’ideystay tababarka NUSOJ +SAWIRO

Read Time:55 Second

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa tababar Saxaafadeed oo soconayay muuddo labo maalmood ah ku soo gaba gabeeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Tababarkan oo ahaa mid lagu kordhinayay awooda iyo tayada suxufiyiinta ayaa ilaa 30 Wariye loogu qabtay Magaalada Gaalkacyo.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Cumar Faaruuq Cismaan oo khudbad kooban ka jeediyay furitaanka iyo xeritaanka tababarka ayaa sheegay in tababarkaasi uu ahaa mid muhiim u ah Suxufiyiinta ka howlgala Gaalkacyo.

Xoghaye Cumar Faaruuq Cismaan ayaa shaaciyay in ay sii wadi doonaan tababarada nuucan ee heerkoodu sareeyo si loo saro qaado xirfada Suxufiyiinta.

Waxaa madasha sidoo kale hadlay qaar ka mid ah Wariyeyaashii loo furay tababarka, kuwaasi oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay fursad tababar ka helaan Ururka NUSOJ.

Suxufiyiintan ayaa soo dhaweeyay tababaradii la siiyay waxaana ay uga mahadceliyeen Xogahayaha NUSOJ, Cumar Faaruuq dadaalka uu ku bixinayo sidii loo tayeen la haa Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Sikastaba, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa tababaro kala duwan oo lagu kordhinayo xirfada Suxufiyiinta siyaabo kala duwan uga bixiya Gobolada qaar ee Dalka iyo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %