
Wariyaasha ka Howlaga Deegaanada Galmudug kuna sugan Magaalada Dhusamareeb ayaa ku dhaawaqay Shaqa joojin ka dib Caqabado ay kala kulmeen Shaqsiyaad ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kuwaas oo is hortaag ku sameeyey Doorkii Warbaahinta Madaxa Banaan ku lahayd Howlaha ka socda Magaalada Dhusamareb.
Waxaa ay Arintaas si gaar ah ugu eedeeyeen Maxamed Xasan oo lagu Magacaabo Beesaani kana tirsan Xafiiska Khayre una qaabilsan Sawir qaadista waxa uuna bilaabay Bilihii u dambeeyey inuu Wariyaasha ku sameeyo Caburin iyo Handadaad taas oo Caqabad ku noqotay Warbaahinta iyo Doorka ay ku lee yihiin Dhismaha Galmudugta Cusub.
Hadaba waxa ay Wariyaashu ogaysiinayaan Cid waliba oo Arintaani Qusayso inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo faragaliso Maadaama Warbaahinta laga hor istaagay Doorkii Tabinta Shaqooyinkooda Hada socanaya si loo saxo Tabashooyinka Warbaahinta ayuu yiri”mid kamid ah Wariyeyaasha Dhuusamareeb.
Dhinaca kale Hay’adaha u dooda Xoriyatul-qowlka iyo UN-ka waxa ay Wariyaashu ogaysiinayaan in Arintaan ay u soo faragaliyaan sida ugu dhaqasaha badan waxaana hada muuqata Caburin lagu hayo Warbaahinta.
Ugu dambayn Wariyaashu waxa ay Hhkan Baaq uga dirayaan Guddiga Cusub ee Doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka ee Maanta lagu dhawaaqay inuusan marin Halkii ay Mareen Gudayadii ka horeeyey taas oo Caqabad ku ahayd Tabinta Toosan ee Warbaahintu ku leedahay Dhismaha Maamulka Galmudug .