Wariyeyaal caan ah oo lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb iyo Xog laga helay

Read Time:57 Second

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa fiidnimadii hore ee xalay lagu xiray laba Wariye oo siweyn looga yaqaano halkaas kana howlgala Magaaladaas.

Wariyeyaasha xiran oo lagu kala magacaabo Cabdullaahi Warsame Rooble iyo Maxamed Cabdiweli Tooxow ayaa kahor xarigooda sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay soo gaarayeen farriimo hanjabaad ah oo isugu jiray dil iyo xarig loo geysan doono.

Muuqaal dhowr daqiiqo soconaya oo ay iska soo duubeen Wariyeyaasha ayaa waxaa ay ku caddeeyeen in hanjabaadaha uga yimideen Madaxtooyada Maamulka Galmudug, uuna mas’uul ka yahay wixii iyaga soo gaaray Madaxweyne Axmed Qoorqoor.

Cabdullaahi Warsame Rooble iyo Maxamed Cabdiweli Tooxow ayaa ah Wariyeyaal si joogta ah barahooda Facebook kusoo qora dhacdooyinka ka dhaca deegaanada Galmudug, iyagoona dadka ku xiran u soo gudbiya xogo daah-soon iyo macluumaadyo.

Maalmo ka hor Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa sheegay inay jiraan Wariyeyaal buun buuniya weerarada Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab oo kale.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa cambaareeyay xariga labada Wariye, iyaga oo sheegay in uu yahay mid sharci darro ah oo lagu doonayo in lagu caburiyo Wariyeyaashaas.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.