Wariye, xaaskiisa iyo nin farsamo yaqaan ahaa oo xalay la dilay Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wariye, xaaskiisa iyo nin farsamo yaqaan ahaa oo xalay la dilay Baydhabo

Mareeg.com: Dableys hubeysan oo xalay u dhacay guri ku yaalla xaafadda Bardaale ee magaalada Baydhabo ayaa toogtay nin wariye ah, xaaskiisa iyo nin kale oo farsamo-yaqaan ahaa.

Wariyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Da’ud Cali Cumar ayaa ka shaqeynayey Radio Baydhabo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sugan xarunta gobolka Baay ee Beydhabo waxa ay howlgalo ka wadaan xaafaddii xalay dilku ka dhacay.

Ma jirto cid ilaa hadda loo qabtay dilika saddexdaas ruux, mana jiro koox sheegtay weerarka dadkaas lagu dilay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!