Wariye u shaqeeya Al-Jazeera TV oo lagu xiray magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wariye u shaqeeya Al-Jazeera TV oo lagu xiray magaalada Muqdisho

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray Wariye katirsan Telefshinka Caalamiga Al-Jazeera iyo labo Sawir qaade oo la shaqeenayay Wariyaha la xiray.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi fataax Cumar Xalane ayaa Idaacad kutaala magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in la xiray Wariye Hamza Maxamed oo u shaqeenayay Telefishinka Al-Jazeera iyo labo sawir qaade oo la shaqeenayay.

Xalane ayaa ka gabasaday in uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo sababaha loo xiray Wariyaha Telefishinka Al-Jazeera, waxa uuna xaqiijiyay kaliya xariga Wariyaha iyo labada Sawir Qaade ee la ahaqeeneyay.

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa habeeno kahor sidoo kale xiray Tifatitirihii Wargeyska maamiln laha ah ee Xog-Ogaal, Wariyaha ayaana wali kuxiran Xabsi kuyaala magaalada Muqdisho iyadoona aan la cadeyn dambiga loo heesto.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!