Muqdisho: Waxaa dhaawac talaadadii lasoo dhaafay Muqdisho koox hubeysan ugu geysteen u geeriyooday Wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo ka mid ahaa wariyeyaasha Telefishinka Universal uga warrama Muqdisho.
Marxuumka ayaa xalay Isbitaalka Madiina oo lagu daweynayey ugu geeriyooday dhaawac ay gaarsiiyeen dabley bastooladu ku hubeysan oo ku weeraray meel ku dhow gurogiisa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariistee, marxuumka ayaa xaaladdiisu ahayd maalmihii aynu soo dhaafnay mid wanaagsan, balse xalay ayaa naqasku ku xirmay, taasoo keentay inuu isla markiiba geeriyoodo.
Marxuumka ayaa la qorsheynayey in loo qaado dalka Uganda, hase ahaatee waqtigiisa ayaa dhamaada kahor in aan la gaarin waqtiga la qorsheeyey in la qaado oo aheyd Isniin ama talaado.
Waa weriyihii 5-aad ee sanadkaan lagu dilo dalka Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya noqotay meelaha ugu khatarta badan ee weriyaashu caalamka ka howlgalaan.
Mareeg.com