wariye lagu xidhay Degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil iyo Ururka Suxufiyiinta? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

wariye lagu xidhay Degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil iyo Ururka Suxufiyiinta?

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxay xukuumadda iyo ciidamadda Booliiska gobolka Saaxil ka codsanayaan inay xorriyadiisa usoo celiayaan wariye Sidiiq Carab Saleebaan oo katirsan Suxufiyiinta Madaxa banaan ee ee ka Hawlagala Gobolka Saaxil, isla markaana la qabtay isagoo war ka duubaya dad mudaharaad ka dhigayey magaaladda Sheekh.

Wariye Sidiiq waxay ciidamadda booliisku qabteen isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo, waxaanu hada ku xidhan yahay magaaladda Berbera oo la keenay kadib markii isaga iyo dadkii mudaharaadka dhigayey laga soo qaaday magaaladda Sheekh.

Xadhiga Suxufiyiinta ee gobolka Saaxil ayaa soo kordhaya, iyadoo ciidamadda booliisku kula kacaya xadhig sharci darro ah, maadaama aanay Suxufiyiintu wax danbi ah galin, marka laga reebo inay bulshada usoo tabinayaan wararka la xidhiidha tabashada dadweynaha ee Heshiiska Dekedda Berbera.

Ururka SOLJA waxa uu u arkaa xadhiga wariye Sidiiq in uu la mid yahay kii lagula kacay wariyayaashii ka horeeyey ee Gobolkaasi, kuwaas oo dhamaantood loo xidhay in lagu cabudhiyo masuuliyadda ay bulshada u hayaan ee ah inay uga waramaan dhacdooyinka Gobolka ka jira.

Ururka Suxufiyiinta SOLJA waxa uu isku dayey in uu xidhiidh kala sameeyo madaxda gobolka sidii ay u weydiisan lahaayeen in xorriyadiisa ay usoo celiyaan wariye Sidiiq, hase yeeshee masuuliyiintii aan la xidhiidhnay illaa hada kamay jawaabin.

Ugu danbayntii, SOLJA waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqaysaa inay si dhakhso ah usoo dayso wariye Sidiiq, isla markaana ay ka waantawdo xadhiga soo noq noqonaya ee ay kula kacayso Suxufiyiinta Somaliland.

Maxamud Cabdi Jaama

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!