Wariye lagu dilay Gaalkacyo
Mareeg.com: Dabley hubaysan ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ku dishay Allaha u naxariistee wariye Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver).
Wariyaha ayaa u shaqeynayey telefishinka Horncable iyo idaacadda Daljir ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu dilay xaafadda Xero-daraawiish ee isla waqooyiga Gaalkacyo.
Wariyaha ayaa lagu toogtay makhaayad laga cabbo shaaha oo uu fadhiyey.
Kooxda geysatay dilka ayaa markiiba ka carartay goobta, lamana garanayo sababta iyo cidda ka dambeysey dilka Allaha u naxariistee wariye Cabdirisaaq Silver.
Magaalada Galkacyo ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa lagu dilay ilaa saddex wariye oo ka shaqeynayay Idaacada Daljir, iyadoo ay tahay magaalada labaad ee lagu dilo Wariyeyaasha ka howl gala Soomaaliya, marka laga soo tago Caasimada Muqdisho.
Mareeg Media
Comments are closed.