Wariye ku dhaawacmay qarax lagu xiray gaar uu watay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wariye ku dhaawacmay qarax lagu xiray gaar uu watay

Mareeg.com: Wariye Nuure Maxamed Cali oo ka soo shaqeeyay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa xalay dhaawac kasoo gaaray qarax loogu xiray gaari uu watay xilli uu marayey Isgooyska KM4.

Wariye Nuure Maxamed ayaa mid ka mid ah labadiisa lugood ku waayey gaari uu watay oo ahaa  Suzuki.

Wariyaha ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina, waxaana la tacaalaya saraakiisha caafimaadka Isbitaalkaas.

Sharmarke Abukar oo ka tirsan Radio Kulmiye ayaa sheegay in Nuurre Maxamed Cali uusan haatan heynin wax shaqo ah, uuna dhiganayey Jaamacad.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.