
Wariye Ismaaciil Yuusuf (fantastic) oo ka tirsan Idaacada Radio Walaweyn ayaa waxaa Saakay aroortii hore lagala baxay hoygiisa oo ku yaalla Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wariyaha ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Radio Walaweyn,waxaana hoygiisa kala baxay Ciidamo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin kuwa dowladda,iyagoona hore u watay.
Agaasimaha Radio Walaweyn Ismaaciil Mire ayaa sheegay in sirasmi ah aysan u xaqiijin karin halka ay ka yimaadeen ciidamada gurigiisa kala baxay Wariyaha balse ay xiriir la sameeyeen saraakiisha ku sugan Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaa sidoo kale warar aan heleyno hadda ay sheegayaan in maamulka Radio Walaweyn iyo Ehelada Wariyaha ay wadaan dadaalo ku aadan siideynta Wariye Ismaaciil Yuusuf (fantastic) oo saakay hoygiisa ay kala baxeen Ciidamo.