Wariye Galabta Lagu Toogtay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wariye Galabta Lagu Toogtay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gelinkii dambe galabta Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Suuqa Beerta ku dilay Wariye ka tirsanaa mid ka mid ah TV-yada ka hawlgala magaalada Muqdisho.

Wariyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Qaasim Iimaan, wuxuuna ka hawlgali jiray TV-ga SBS oo ka mid ah TV-yada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen kahor inta uusan dilka dhicin inay wada murmeen askariga iyo Wariyaha la dilay oo xilligaasi saarnaa Mooto Bajaaj, intaasi kadibna uu rasaas furay ninka hubeysnaa.

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, balse waxaa ku daba jira ciidanka ammaanka dowladda federaalka, si sharciga loo horgeeyo.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More