Wariye dunida siweyn looga yaqaanay oo Maanta geeriyooday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wariye dunida siweyn looga yaqaanay oo Maanta geeriyooday

Suxufigii weynaa ee Larry king ayaa ku dhintay isbitaal ku yaala magaalada Los Angles ee dalka Mareykanka.

Larry oo ahaa 87 jir ayaa u dhintay xanuunka karoonha, wuxuuna lahaa barnaamij la oran jiray Larry king live oo lagu wareystay dadka adduunka saameynta ku leh, isagoo qaaday in ku dhow 50 kun oo wareysi.

Qoyska Larry ayaa xaqiijiyay in dunida uu ka tegay suxufigan oo mudo ku dhow 60 sano wariye ahaa .

Wuxuu sanadkii 1933 ku dhashay Brooklyn oo ka tirsan magaalada New York .

Larry wuxuu sheegay mar uu taariikhdiisa ka waramayay in uu jeclaa saxaafadda laga bilaabo markii uu shan jir ahaa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.