Wariyaasha deeganada Puntland oo Gaas kala hadlay xeerka saxaafadda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wariyaasha deeganada Puntland oo Gaas kala hadlay xeerka saxaafadda

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland iyo ururka suxufiyiinta maamulkaas  ayaa maanta ka wada hadlay xeerka saxaafadda Puntland oo la ansixiyey dhowaan.

Guddoomiye kuxigeenka ururka suxufiyiinta Puntland, Maxamed Daahir Yuusuf oo kulanka kaddib shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in ay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas hor dhigeen qodobbo ay doonayaan in lagu sameeyo dib u eegis.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in madaxweynuhu soo dhaweeyey cabashada saxafiyiinta ee ku aadan qaar ka mid ah qodobada xeerka saxaafadda.

Maxamed Daahir ayaa intaas ku daray in madaxweyne Gaas uu sheegay in maamulku ilaalinayo xuquuqda suxufiga iyo saxaafadda Puntland, uuna dhigayo qaanuunku in la helo war baahin madax bannaan.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa kaloo uu sheegay in madaxweyne Cabiwali Gaas uu u soo jeediyey suxufiyiinta Puntland in ay ilaaliyaan anshaxa iyo qawaaniinta saxaafadda.

Baarlammaanka maamulka Puntland ayaa dhawaan ansixiyey xeerka lagu dhaqayo saxaafadda Puntland, waxaana xeerkaas ka qeylo dhaamiyey weriyaasha ka howgalka Puntland oo sheegay inuu cadaadis adag saarayo warbaahinta xorta ah.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!