Wariyaal Ku Dhaawacmay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa Ee Ka Dhacay Hotel Dayax

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarka Saakay Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Hotelka Dayax ayaa ka mida hoteelada waaweyn ee caasimadda isagoo laba qeyboodka ka kooban oo u dhow hotelka kale ee Weheliye, wadadda Maka Almukarama ee Magaalada Mudisho.

Weriyeyaasha ku dhaawacmay qaraxa waxaa ka mida:

Sawir qaade ka tirsan telefishanka HornCable oo magaciisa lagu sheegay Gacal.

Sawir qaade caan ah oo u shaqeeya wakaalada warark AP oo lagu magacaabo Faarax AP.

Sawir qaade kale oo u shaqeeya wakaalada waraka Reuters Maxamed C/wahab.

Xaaladda weriyeyaasha ayaa la sheegay inay degan tahay iyadoo dhaawacyaduna aanay ahayn kuwo aad u culus.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi, waxaana ay sheegeen dagaalyahano ka tirsan ciidamadooda inay gudaha u galeen Hotelka Dayax oo ay ka dagaalameen.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia