Wariyaal ku dhaawacmay bam lagu weeraray Radio Gaalkacyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wariyaal ku dhaawacmay bam lagu weeraray Radio Gaalkacyo

Mareeg.com: Labo weriye ayaa ku dhaawacantay bam gacanta laga tuuray oo xalay lagu weeraray xarunta idaacadda Gaalkacyo oo ku taalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana sidoo kale uu weerarka sababay inay idaacadda muddo saacado ah hawada ka maqnaato.

Labada weriye ee dhaawacantay waxaa lagu kala magacaabaa Shiine Cabdi Axmed iyo Cabdullaahi Aadan Dude, wararkii ugu dambeeyay ee saakay soo baxayna waxay sheegayaan inay soo hagaageyso xaaladdooda caafimaad.

Idaacadda ayaa saaka dib hawada ugu soo noqotay, wuxuuna shaqaalaha xarunta laga soo xigtay inay si caadi ah howshooda u wataan.

Saraakiisha amniga ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno la xiriira weerarka.

Waa markii labaad oo la bar-tilmaameedsado idaacadda Gaalkacyo, welina si rasmi ah looma ogaan sababta iyo cidda ka dambeysa falkii xalay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!