Mareeg.com: Waxaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir la horkeenay 3 wariye oo u kala shaqeeya Radio Shabeelle iyo SKY FM oo leysla leeyahay iyo wariye kale oo u shaqeeya Radio Risaala oo ku yaalla Muqdisho.
Markii maxkamadda la furay ayaa waxaa dood ka dhalatay inaan Xeer Ilaalintu keenin eedeymo buuxa, taasoo keentay in qareenadu dalbadaan in lasoo daayo labada wariye maadaama muddo dheer ay xiran yihiin.
C/kariin Axmed Maxamed oo ka mid ah Abukaate-yaasha difaaceysa Suxufiyiinta, ayaa su’aal ka keenay haddii Suxufiyiintu ay xiran yihiin muddo lix bilood, sababta ay Xeer Ilaalintu ugu soo diyaarin weyday eedeymaha loo heysto.
Abukaataha, ayaa waxa uu Dowladda Somaliya uu ku eedeeyay inay siyaasadeyneyso kiiska Suxufiyiinta, laakiin wuxuu balanqaaday inay iyagu ku dadaali doonaan, sidii Cadaalad ay ku heli lahaayeen Suxufiyiintaasi.
Sidoo kale, waxaa maxkamadda lasoo taagay wariye Maxamed Cabdi Cali, kaasoo muddo 40 cisho ah ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar, welina kiiskiisa go’aan cad maxkamada Gobolka kama aysan qaadan.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay kiiska Suxufiyiinta, ilaa 1-da bisha soo socoto ee Maarso, si markaasi horey loogu sii ambo qaado kiiskooda.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.