Wareega labaad ee doorashada madaxweynaha Afghanistan

Kabul – Mareeg.com: Dalka Afghanistan waxaa maanta ka dhacay doorashada madaxweynaha oo ku celis ah, iyadoo ay tartamayaan labo musharrax oo kala ah: Cabdalla Cabadalla iyo Ashraf Gaani.

5-tii April waxaa dalkaas ka dhacday doorasho madaxweyne oo ay ku tartameen ilaa 8 musharrax, mid ka mid ahna kuma guulesyan inuu helo codadkii uu madaxweyne ku noqol lahaa, taas ayaan keentay in wareeg kale oo doorasho ay galaan labada musharrax ee ugu codka badnaa.

Cabdalla Cabadalla ayaa soo noqday wasiirka arrimaha debadda Afghanistan, halka mshuarraxa kale Ashraf Gaani oo yahay dhaqaale yahan kazoo shaqeeyey Baanka Aduunka.

Labada musharax ee isugu soo haray doorshadan wareegga labaad ayaa sameeyey olol ballaaran.

Labadan musharrax kii soo baxa wuxuu kursiga ka badeli doonaa madaxweynaha haatan xilka haya ee Xaamid Karxaay.

Saraakiisha ayaa rajeynayo in wareegan labaad uu la mid noqon doono wareegii kowaad ee la qabtay bishii afaraad, doorashadaas oo inta badan u dhacday si ammaan ah iyadoo in kabadan boqolkiiba 50 ay u soo baxeen doorashada.

Wareegii hore ee doorashada ayuu Cabdallada helay 45% codadkii la dhiibtay, halka Ashraf helay 31.6%.

Madaxweynaha soo baxa waxaa horyaalla labo caqabadood oo waaweyn, sida dagaalka Daalibaan iyo dhaqaalaha oo liita, musuq bandanna hareeyey.

Ururka Taaliban ayaa wacad ku maray in ay si aan kala goos la hayn ay u weerari doonaan goobaha codbixinta.

Barta ay ku leeyihiin internetka aya waxay ku sheegeen in doorashada ka dhacaysa Afghanistan tahay mid uu soo abaabulay maraykanka oo doonaya bay yiraahdeen in uu xukunka u dhiibto dad isaga uu wato.

Waxay noqon doontaa markii ugu horaysay ee taarikhda dalkaasi Afghanistan oo awooda lagu kala wareego si doorasho ah.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo boolisku ay baarayaan baabuurta galaya caasimada Kabul.

Natiijada hordhaca ah ayaa waxa la filyaa in ay soo baxdo 2-da bisha July halka Natiijada kama dambeysta ahna lagu dhawaaqi doono 22 July.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245