Warbixin:Dagaalka Gaalkacyo & Wararkii ugu dambeeya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Warbixin:Dagaalka Gaalkacyo & Wararkii ugu dambeeya

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dagaalka ka socda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Dagaal xooggan ayaa ka socda Magaalada Gaalkacyo , waxaana lagu soo waramaya in isbitaalada Koonfur iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo lagu soo daabulaayo dhaawacyada iyo sidoo kale Meydadka aad u farabadan.

Madaxda isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo aan qadka taleefanka kula xariirnay ayaa  inoo sheegay in ay jiraan dhaawacyo sidoo kale Meydad la keenay isbitaalada Magaalada Gaalkacyo.

Kudhawaad 13 qof oo dhaawac ah ayaa la keenay isbitaalada Koonfurta iyo sidoo kale Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo .

Sidoo kale Meydadka ayaa  lagu soo waramaya in ay gaarayaan ku dhawaad 5 qof oo ah labada dhinac ee ku diriraayaa Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!