Warbixin Xustay In Hay’ado Samafal Lacago Siiyeen Alshabaab

Read Time:1 Minute, 31 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa la leeyahay waxey lacago siiyaan xarakada Alshabaab si ay uga howlgalaan gobollada ay maamulaan.

Warbixin cusub ayaa muujinaysa inay hay’adaha gar-gaarka qaarkood lacago siiyaan Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrikca ee AMISOM ee garab siiya dowladda Soomaaliya.

Warbixintan oo ay si wadajir ah u soo saareen Hay’adda “Humanitarian Policy Group of the Overseas Development Institute (ODI)” iyo xarunta cilmi-baarista ee Heritage ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa lagu sheegay in lacago farabadan hay’adaha samafalku Alshabaab siiyeen sanadkii 2011, xilligaas oo abaare xoog leh ku dhufatay deegaano ka mid ah Soomaaliya.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in sababta lacagahaas loo siiyey Alshabaab ay tahay sidii cunno gargaar ah loo gaarsiin lahaa dadkii la il-darnaa abaarihii Soomaaliya ku dhuftay sannadkii 2011-kii.

Sidoo kale, hay’adaha ayaa qaarkood ayaa la sheegayaa in illaa haatan ay lacago bixiyaan si ay ugu howl-galaan dhulka ay Al-shabaab ka taliso ee ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegtay in Alshabaab hay’adaha gargaarka ku amreen iney bixiyaan lacag lagu sheegay diiwaangelin oo ah $10,000 dollar una dhiganta (£6,100) Euro.

Warbixinta ayaa tusaale usoo qaadatay magaalada Baydhabo oo ay sheegtay in kaaalmadii la gaarsiiyey sanadkii 2011 ay Alshabaab qaateen kala-bar ama sadex meelood labo meel.

Alshabaab ayaa sameystay xafiis aad u hormarsan oo qaabilsan la socodka hay’adaha ajnabiga ah, kaasoo hay’ado badan la macaaamileen, inkastoo sida warbixintu tiri hay’adahaas galeen dhibaato sharci maadaama ay la macaaamileen Alshabaab.

Warbixintan ay soo wada saareen Hay’adda “Humanitarian Policy Group of the Overseas Development Institute (ODI)” iyo xarunta cilmi-baarista ee Heritage ee fadhigeedu yahay Muqdisho ma xusin magaca hal hay’ad oo ka mid ah kuwa Alshabaab lacagaha siiyey.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %