Warbixin: Weerar Xalay lagu qaaday Guriga Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Warbixin: Weerar Xalay lagu qaaday Guriga Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Muqdisho ( Mareeg)-Sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo gurigiisa weerar qorsheysan xalay ay ku qaadeen Kooxo Hubeysan oo la socday Mootooyin waxaa baaritaan lagu hayaa kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi.

Xildhibaanka ayaa cadeeyay in Gurigiisa dhowr Bambaano ay ku soo dhaceen islamarkaana Rasaas la huwiyay qaar ka mid ah ilaaladiisa ooh or fadhiyay gurigiisa.

Mudane Dhaayow ayaa tilmaamay in illaa 5 ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawawacmeen weerarkaasi.

Markii uu weerarka dhacay kadib ayaa Xildhibaan Aadan Ibraahimo Dhaayow waxa uu tilmaamay in meesha ay soo gaareen Ciidamo kuwa Booliska iyo Nabad Sugida isugu jira oo billaabay baaritaanno xoogan.

Sidoo kale Xildhibaan Dhaayow ayaa ku eedeeyay weerarka lagu soo qaaday gurigiisa Al Shabaab isagoo meesha ka saaray in Saraakiil Nabad Sugid ah ay la joogeen xilliga la soo weerarayay.

Weeraro qorsheysan oo horay uga dhacay Magaalada Muqdisho ayaa loogu qaarijiyay Xildhibaanno ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More