Warbixin: Kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Warbixin: Kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya

By Cali Cusmaan ccusmaan@gmail.com-Mareeg.com-Waxaan shaki ku jirin in kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka Soomaaliya uu ku xiranyahay lix(6) shay, kuwaas oo aan kala maarmin

  1. Dawlad aan musuq maasuq lahayn oo dhiseysa “infrustructure” ka dalka
  2. Dadka wax bartay ee shaqeyn kara
  3. Xoolo
  4. Beero
  5. Kaluumeysi
  6. Macdan (sida gaaska, batrool, dahab, uranium, cement)

Sidaas daraadeed haddii la rabo dhaqaalaha Soomaaliya in la kobciyo waa muruq iyo maal la isugu geeyaa  sii akhri oo riix

  1. Musuqmaasuqa oo la cirib tiro
  2. Sharciyada ganacsiga oo la xoojiyo si kalsooni ay u helaan ganacsatada
  3. In la kobciyo wax soo saarka beeraha, badda, iyo xoolaha
  4. In ay dawladu si xawli leh lacag iyo dhaqaale u gelisaa dhisida wadooyinka isku xirta magaalooyinka waa weyn oo idil, iskuulada, cisbitaalada, meelaha dalaga lagu kaydiyo (Terminals), Xeryaha xoolaha lagu talaalo laguna karaantiilo inta aan la dhoofin. Qaboojiye yaal waaweyn iyo koronto lagu kaydiyo kaluunka oo laga dhiso meelo istiraatiiji ah sida Boosaaso, Hobyo, Xamar, Marka, Baraawe, Kismaayo, Berbera, iwm.
  5. Waxbarasho midaysan oo leh tayo wanaagsan.
  6. Teknoolojiyada isgaarsiinta iyo komputeriska oo la xoojiyo
  7. Suuqyada badeecada lagu kala iibsado oo la habeeyo loona sameeyo meel qashinka lagu aruuriyo, lagana qaado, meelo biyaha wasaqdaa iyo kuwa roobku ka baxaan.
  8. Ilaha daqliga ka soo galo dalka sida Xoolaha, Beeraha, iyo kaluumeysiga oo laga ilaaliyo in ganacsatada, hay’adaha iyo dawladaha deeqda bixiyaa ay dhaawacaan. Ayagoo keenaya raashin ama qalab wax yeelo u geysanayawax soo saarkooda iyo faa iidadooda
  9. In dhamaan canshuur badan lagu soo rogo wax kasta oo Soomaaliya ka bixi kara oo hadda dabada laga keeno si loo dhiiri geliyo in beeraleyda ay beertaan dalagaa
  10. Waa in la sameeyaa iskaashatooyin sida kuwa liinta abuura, kuwa sisinta abuura, kuwa ariga dhoofiya, kuwa kaluumeysiga, isla markaana loo dejiyaa barnaamij mideynaya, xoojineya wax soo saarkooda iyo suuq geynta wax soo saarkooda.
  11. Waa in haddii shirkad weyn wadanka la keenayo ay noqotaa mid warshadeysa waxyaabaha ay Iskaashatooyinka soo saaraan ee aysan noqon mid la tartanta iskaashatooyinka.

Dawladu waxyaabaha ay ku caawin karto dhaqaalaha waxaa ka mid ah:

In ay deyn ka soo qaadato bangiyada aduunka oo la sameeyo shirkado waa weyn kuwaas oo lagu sameynayo habkaan.

  1. Dawladu in ay ayadu 50% ay keento lacagta maal gelinta (Dawladu markii ay shirkadu shaqo bilowdo qaybteeda waxaa ay ka gadeysaa shacabka)
  2. 25% waa in la siiyaa ganacsatada Soomaalida ee hadda jira
  3. 25% waa in la siiyaa shirkado waa weyn oo aduunka laga ictiraafsan yahay kuwaas oo keeni doona maamulka shirkada iyo suuq geynta.

Sidaa haddii la sameeyo waxaa la helayaa shirkado waa weyn oo dadka shaqaaleysiiya, kuwaas oo dadka ama shacabweynhu leeyahay 50%, shirkadaha ganacsatada Soomaalidu leedahay 25% kiiba, shirkadaha aduunkuna leeyihiin 25% kiiba.

Dawlada waxaa marka hore looga rabaa in ay 50% keento lacagta kadibna shacabweynaha ka gado si ay u celiso deyntaas waxaa ugu weyn ayada oo aan waqtigan xaadirka ah la helayn cid keeni karta lacagtaas faraha badan ee loo baahanyahay, dawlada oo u baahan in shaqo abuurto, iyo dawlada oo berito helaysa lacagtii ay meesha gelisay iyo weliba faa iido ay mashaariic kale ku fuliso.

Sababta dawlada laga rabo in ay ka baxdo meesha markii warshadaas ama hawshaas ganacsi dhamaato hirgelinteeda waxaa weeye ayadoo wax dawlad leedahay aan aad loo daryeelin, iyo dawlada oo shaqadeedu uusan ahayn ganacsi ee tahay abuurida shaqada iyo dhismaha “infrustructure” ka loo haahanyahay.

Dawlada haddii dhaqaalaha dalka kobco hawshaan ah in ay wax maal geliso marka hore , waa laga maarmi doonaa.

Dawlada waxaa kaloo laga rabaa in ay Safaarad walba oo Soomaaliyeed ay geyso dad ku taqasusay ganacsiga iyo weliba diblomaasinimada si loogu helo suuqyo kala duwan wax soo saarka dalka soomaaliya iyo weliba kobcintiisa. Waa in loo sameeya baratan ama tartan ka dhexeeya safaaradaha ayada oo la fiirinayo mid walbaa ganacsiga ay keentay iyo ilaha dhaqaale ee ay u furtay ganacsatada soomaaliyeed iyo weliba bixinta canshuurta dhoofinta dalkaa. Waa in aan aad iyo aad diirada u saarnaa wadamada ay ka mid yihiin Khaliijka carrabta, Ciraaq, Japan, European Union, China iyo Sacuudi Carabiya.

Safaaradaha qaybta dhaqaalaha ama loo yaqaan “Commercial Attache” waa in loo diraa dad si wanaagsan u garanaya hawlaha ganacsiga iyo diblomaasinimada. Waa in la isla meel dhigaa qorshe sare ee xaga dawlada iyo ganacsada oo wada socda, isla markaana diirada la saaraa wax soo saar maamulan xaga tayada, tirada iyo weliba rarka (logistics) isla markaan la isla meel dhigaa “Identify) wadamada ugu haboon xaga baahida ay u qabaan wax soo saarkaas ee loo dhoofin karo. Waa in la diraa wafdiyo heer qaran ah oo ka kooban ganacsato ay hor kacayaan Raiisul wasaaraha, madaxweynaha iyo wasiiro ay tagaan dalalkaas la cayimay ayada oo ay Safaarada Soomaaliya ee dalkaas sii diyaarisay ganacsada waa weyn ee dalkaas kuwaas oo qaabilaya ganacsata Soomaalida ee dhigooda ah.

Waa in heshiis dawlad aan la galno wadan walba si aan loo dhicin ama loo dhaawicin ganacsadeena isla markaana aysan ayaguna wax magac xumo ah u soo jiidin dalkooda iyo dadkooda. Waa in la sameeyo hay’ad dawli ah oo fiirisa wax kasta oo dalka ka baxaya in ay yihiin wixii lagu heshiiyay sida tayada oo kale. Taas waxaa ay ka hortag u tahay in badeecada Soomaaliya ka soo baxda la ilaaliyo magaceeda “Reputation”.

Arimahaas haddii lagu dhaqaaqo wax badan ayay ka tarysaa kobcinta dhaqaalaha iyo in shaqo loo abuuro kumanaanka dhalinyarada ah ee ka soo baxeysa jaamacadaha. Waxaa loo baahanyahay maamul wanaagsan oo dawladeed, ganacsato rabta in ay horumaraan si daacad ah, iyo safaarado ay joogaan dad wax garanaya ee aysan joogan dad lagu keenay arin siyaasadeed ee aan waxba kala socon dunida iyo sida ay u shaqeyso.  By Cali Cusmaan

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!