Warbaahinta Soomaaliya Heerka Maanta iyo Sidey ku Bilaabatay

Read Time:3 Minute, 43 Second

Soo bixitaankii Warbaahinta Caalamka waxay soo martay heerar kala duwan oo la taaba qaadaysay xilliyo iyo waayo kala duwan oo mid waliba la soconaysay waqtigaasi iyadoo ay noqotay awood aad balaaran oo lagula xariiro dadweynaha dunida ee ku kala dhaqan caalamka daafihiisa.

Sida lagu qeexo nolosha casriga waa awooda 4-aad ee dunida iyadoo mararka qaarkood loo tixgaliyo tan Koowaad maadaama ay wax ka badasho ra’yiga caalamka dunida oo keeni karta dagaal iyo nabad intaba hadba sida loo adeegsado isticmaalka.

Dalka Soomaaliya marka laga yimaado Raadiyow Hargaysa oo la Aasaasay 1943 Iyo Raadiyow Muqdisho oo Hawada galay 1950, markii Xoriyadda la qaatay waxaa dalka ka hana qaaday afar wargays oo shaqaynayey, intii u dhexaysey 1960-1969 waxayna kala ahaayeen:-

1.    CORIERRA DELLA SOMALO, waxaa iska lahaa Dowladda waxa uu ku qornaa (Af Talyaani)

2.    SOMALI NEWS, waxaa iska lahaa dowladda, waxa uu ku qornaa (Af Ingiriis)

3.    LA TRABUNA, waxa iska lahaa Avv. Ismaaxciil Jimcaale waxa uu ku qornaa (Af Talyaani)

4.    THE PEOPLE, waxaa iska lahaa Avv. Dhuxul waxa uu ku qornaa (Af Ingiriis)

Markii ay dalka la wareegeen Milataarigii 1969 tan iyo intii laga qorayey Afka Soomaaliga waxaa dalka ka soo bixi jirey 3 Wargays oo ku hadla Afka dowladda waxayna kala ahaayeen

1- STELLA D’OTTOBARE (Talyaani). 2- NAJMATU OCTOBAR (Carabi). 3- OCTOBAR STAR (Ingiriis). Waxay ku kala duwanaayeen oo kaliya Luqadda ay ku qornaayeen.

Markii la qoray farta Soomaaliga, waxaa meesha laga saaray STELLA D’OTTOBARE iyo OCTOBAR STAR, waxaana sii jirtey NAJMATU OCTOBAR. waxaana soo baxayey tan iyo 1990-kii tiro wargaysyo hal ujeedo leh oo dowladdu maaamusho.. Waxayna kala ahaaayeen:-

XIDGTA OCTOOBAR, (Maalinle). NAJMATU OCTOBAR (Maalinle). DAWN (Bille), HEEGAN (Bille), NEW ERA (Bille), NUOVA ERA (Bille), OGAAAL (Todobaadle) iyo AL DHALEECA.(Todobaadle), waxay dhamaantood ku hadli jireen Afka Dowladda.

Intaaa kadib markii meesha laga saaray dowlaaddii dhexe ee Soomaaliya 1991 waxaaa Magaalada Muqdisho oo kaliya qarqiyey ka badan 100 Wargays oo dhamaantood madax banaan, waxaana ugu horeeyey Wargaayskii Shabeele Press, waxaana kusoo xigey Midnimo, Xog-ogaal oo ilaa hada soo baxa, Qaran, Banaroma, Sanca, Goobjooge, Beel-deeq, Ayaamaha, Xorriyo, Moqdisho Times, Xamar iyo Xog-doon. waxa intaas bar-baar socdey Warbaahinta Raadiyaasha iyo Tv-yada gaarka loo leeyahay iyadoo Magaalada Muqdisho kaliya ay leedahay wax ku dhow 30 Raadiyo iyo ka badan Tobon TV oo mid waliba leeyahay siyaasadiisa u gaarka ah marka laga hadlayo baahinta wararka iyo dhacdooyinka nolol maalmeedka dalkan burburay oo haatan ka soo kabanaya daruufihii dagaalada sokeeye u gaysteen in ku dhow 27 sano.

Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday iney Soomaaliya ka go’day waxaa ka soo baxa ka badan 10 wargays oo madax banaan, waxaad mooda iney xooga ka horumarsan yihiin kuwa ka soo baxa Soomaaliya inteeda kale, waxaana laga diidey Somaliland in laga maalgashado Idaacado madax banaan sida Muqdisho oo kale.

Waxaa kale oo jira Mareegyo (Website-yo) kala duwan oo tiro beelay oo ku faafsan dunida casriga oo noqtay mid hal Tuulo ah (Global Village) waxayna mid walba leedahay saamaynteeda Togan iyo Taban.(Sax iyo Khalad). Saamaynta Warbaahinta Bulshada (Social Media) sida Facebook, Twitter, Instagram IWM waxay dunida ka noqdeen 10-kii sano ee ugu dambeyay lagama maar-maan iyadoo daqiiqadiiba la isugu gudbiya dhacdooyinka saamayn weyn ku leh nolosha dadweynaha oo aad u isticmaala Mobile-da SMART-PHONE-ka, I-Pad Tablet IWM.

Warbaahinta Soomaaliya waxay leedahay faa’iidooyinkeeda Xumaan iyo samaan waxayna qayb ka qaataan horumarka iyo dib u dhaca dalka iyadoo mar walba leh Culeyskeeda waana midda taaba galinaysa sida ay dadweynahu u isticmaalaan si ay u helaan warar iyo dhacdooyin hufan oo ka saliim ah caadifad qaybna ka qaata horukaca nolosha.

U istimaalida Warbaahinta qaybaheeda kala duwan si wanaagasan oo ku dhisan anshax suubaan waxay sahlaysaa in dadku hiigsadaan horumar, nabad iyo baraare gaar ahaan Warbaahinta Bulshada (social Media) waxaa saaran xil weyn si ay u dhowraan quluubta dadweynaha ku xiran oo aaminsan in loo adeegsado si wacan oo qof walba raali ka yahay, dabcan ma jirto duni meel u wada jeeda balse ugu yaraan waa in wax la hagaajiyaa oo loo hogaansamo wanaaga iyo horumarka.

Caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto wuxuu waqtigan noqday duni ku nool hal Tuulo oo isku xiran waxaana wax walba u sahley isticmaalka Internet-ka kaasoo saamayn weyn kugu yeeleanayo inta aad wax qorayso (Finger Tips) waxaana markiiba aad ku xirmaysaa shabakadaha dunida oo lagaa daalacanayo waxaana taas barbarbar socda qiimeyn lagu sameyn doono si aad ugu qayb qaadato horukaca nolosha deegaankaaga..

W.D. Cabdinaasir Xersi Iidle

Mail: naasirx1@gmail.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %