Warbaahinta Dowlada soomaaliya:Sida loo gudbo Waddada-Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Warbaahinta Dowlada soomaaliya:Sida loo gudbo Waddada-Sawirro

WaddowadnahaMarka aad fiiriso sawirada Maxaad ka fahmaysaa?

aan kuu sii jilciyee haddana see loo gooyaa ama loo gudbaa Waddo marka aad rabto inaad ka talaawda ama aad gudubto adigoo lugaynaya?

Haddaba sawirkan ayaa idiin muujinaya qaabka looga gudbo Waddo ama jid laami ah oo magaalo maraya.

Meelaha isgoysyada ah ee uu ka shaqeeyo layrka haga baabuurta oo loo yaqaan Semaafaro ayaa waxaa Waddada la maariya Rinji cad cad, kaasi ayaa loogu talagalay inay maraan dadka marka uu semaafaruhu tilmaamo nalka cagaaran ee dadka ama ninka Booliska Waddooyinka ah uu sheego in dadku mari karaan Jidka.

Waxaa dadka looga digayaa inay maraan meeshaasi rinjigu marsan yahay oo uu ku badbaadayo, balse haddii uu maro meelaha kale ee jidka isaga ayaa gardaran oo khaladka leh haddii uu shil galo.

Magaalada Muqdisho waxaa beryahaanba ka socda Waddooyinka oo loo yeelo dhir beeris iyo Rinjiyayn ama calaamadayn Waddooyinka ah, waxaan isu taagay hirgalintooda dhallinyaro iskood isku xil-qaamay oo lagu magaacabo Ubaxa Caasimadda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!