Warbaahinta & Bulshada Rayidka ah oo wargelin cusub loo diray

Mareeg.com: Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa warabaahinta gaarka loo leeyahay, Urururrada Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo qareennada ka codsatay in 10 maalmood oo ka bilaabaneysa 1-da Febaraayo 2016 ay kusoo gudbiyaan 6 xubnood oo uga mid noqonaya Guddiga Saxaafadda Soomaaliya (GSS).

Sida ku cad warqad kasoo baxday xafiiska Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) waxaa Suxufuyiinta iyo waarbaahinta gaarka loo leeyahay laga sugayaa 3 xubnood, 1 xubinna waxaa laga sugayaa Ururrada Xuquuqda Aadanaha, halka 1 xubin laga rabo Ururrada Haweenka, iyadoo 1 xubinna laga sugayo Ururka Qareennada Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sheegtay iney dooneyso in si degdeg ah loo dhiso Guddiga Saxaafadda Soomaaliya, kaasoo lagu go’aamiyey Shirkii Istiraatiijiyada Warbaahinta ee Hotel Jazeera ee Muqdisho lagu qabtay 11-12 Janaayo 2016.

Hoos Ka Aqri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Guddiga Saxaafadda Soomaaliya

Mareeg Media 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245