Translate to your language
Wararkii ugu danbeeyay qaraxyadi caawa ka dhacay Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu danbeeyay qaraxyadi caawa ka dhacay Muqdisho

Laba Qarax oo loo adeegsaday gawaari walxaha Qarxa lagu soo xiray ayaa caawa fiidkii ka dhacay beerta nabadda ee magaalada Muqdisho kuwaasoo sababay qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Qaraxyadaasi ayaa waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay ilaa 10 qofood in ka badan 25 kalena wey ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhamaantood ahaa dad rayid ah, sida ay kusoo waramayaan wariyayaal ku halkaasi ku sugan.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay waddada laamiga ah ee dhanka galbeed ka marta Beerta nabadda, halka daqiiqado kaddibna uu qarxay gaari yaallay irridka hore ee hotelka Muna oo dhinaca ku haya Beerta nabadda, iyadoo uu burbur xooggan soo gaaray dhismayaashii ka agdhawaa meelaha ay qaraxyadu ka dhaceen.

Gaadiidka gurmadka deg degga ee Ambalaaska loo yaqaano ayaa daadgureynayaa dadkii ku wax yeeloobay qaxyadaasi iyadoo loola cararayo cisbitaallada magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka ayaa xilligan ku guda jira hawgal ay ku xaqiijinayaan ammaanka iyadoo la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanayaan ciidamada iyo maleeshiyaad weerar argagixiso ka geystay halkaasi qaraxyada kaddib.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!