Wararkii ugu danbeeyay Qaraxii xalay ka dhacay Liido

Read Time:1 Minute, 56 Second

waxaa la xaqiijiyay illaa 15  qof oo isugu jirey 5 alshabaab  iyo howlwadeenadii maqaaxida  ay ku dhimatay  20 kalana  ku dhaawacmeen  xalay Fiidkii  ay fuliyeen Dagaalamayaasha Al Shabaab  Maqaaxida Banaadir Beach ee ku taalla Xeebta Liido.

Dagaalyahanadii Al Shabaab ee gudaha u galay Maqaaxida yaa muddo saacado ah oo ay ka dhex dagaalamayeen Maqaaxida ayaa la sheegay in ay is Qarxiyeen, iyagoo is qarxintooda ka hor dadkii  ku  Caweenayay Banaadir Beach qaar ka mid ah mid mid u toogteen.

Saraakiil ka tirsan  Nabad Sugida ayaa iyaguna  sheegay in Dagaalamayaashaasi Al Shabaab ka tirsanaa ee galay Maqaaxida Banaadir Beach Ciidanka Nabad Sugida qaar ay dileen, kuwa ay is qarxiyeen halka mid ka mid ahaana ay gacanta ku dhigeen.

Dadka dhinta ee ka badan 10-ka qof ayaa lagu kala sheegay 5 Howlwadeenno ka tirsanaa Maqaaxida la weeraray, 4-5 Dagaalamayaasha weerarkaas halkaas ku ekeeyay , iyo illaa 5 kale oo Askar, shacab iyo Ilaalada Maqaaxidaasi isugu jiray.

Afhayeenka Dhinaca Howlgallada Al Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo u warramayay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegay in Dagaalyahanadooda ay weerareen Kalaab lagu Tunto sida uu hadalka u dhigay.

Abuu Muscab ayaa intaas ku daray in weerarkooda ay ku dileen Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Howgalka lagu soo afjarayay weerarka Al Shabaab ay ku galeen Xarunta Maqaaxida Banaadir Beach ayaa waxaa intiisa badan ka qeyb qaadanayay Ciidamada dowladdas Federaalka sida Nabad Sugida , Boolis iyo Milatari.

Iyadoona dagaalka oo muddo Saacado badan qaatay Ciidamada AMISOM aysan xaadir ku ahaayeen Saaxadaasi xalay dagaalku ka furnaa ee Xeebta Liido.

Hayeeshee mar Howlgalku gaba gaba yahay ayaa waxaa soo gaaray meesha shaqaqadaasi ka dhaceysay ee Banaadir Beach iyo aageeda Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM , oo ay la socdeen sidoo kale Diyaarado dagaal oo la dul keenay Maqaaxida ay Saacadaha Al Shabaab dagaalamayaashoodu saacado ku sugnaayeen.

Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan Dagaalame Dhaawac ah oo ka tirsanaa raggii Hubeysnaa ee xalay weeraray Banaadir Beach weliba uu ahaa Ninkii fuliyay Qaraxa 1aad ee uu ku bilowday weerarka sida uu hadalka u dhigay Taliyuhu.

Bishii Janaury ee sanadkaan  horraantiisii ayey ahayd markii Dagaalamayaal Hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay sidaas oo kale Maqaaxiyo ku yaalla Xeebta Liido weerareen, kaas oo isaguna xilligaas gallaaftay illaa 15 qof 20 kalana ay ku dhaawacmeen.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %