Wararkii ugu dameeyay xaaladda degmada Balad-xaawo iyo Saraakiisha oo…

Read Time:1 Minute, 0 Second

Waxaa saakay degan xaaladda degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo oo habeenkii horey ilaa iyo aroornimadii hore ee shalay uu dagaal xoogan ku dhexmarayay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Jubbaland.

Dagaalkaas ayaa bilowday ka gadaal markii Ciidanka Janan ay weerar kusoo qaadeen Balad-xaawo, waxaana intaas kadib dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in saakay xaaladda ay degan tahay, isla markaana ay wada furan yihiin dhammaan Ganacsiga degmada, sidoo kalena uu shaqeynayo gaadiidka dadweynaha.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Balad-xaawo ayaa ku warramay in guud ahaan degmada ay gacanta ku hayaan Ciidanka dowladda, amniguna uu yahay mid wanaagsan, kadib dagaalkii dhacay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Jabhad ay soo hubeysay Kenya weerar kusoo qaadeen Balad-xaawo, hayeeshee ay iska difaaceen Ciidanka dowladda oo gaarsiiyay Jab xoogan, isla markaana laga qabtay ku dhawaad 100 Askari oo hubeysan.

Inta la xaqiijiyay 15 qof oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka dad kalena ay dhaawacmeen, waxaana 20 qof oo dhaawacyada kamid ah xalay la keenay Magaalada Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loo dabiibo.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %