Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Maqaayadaha Pizza House & Boosh + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Maqaayadaha Pizza House & Boosh + Sawirro

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gaashan ayaa si rasmi ah u soo afjaray weerarkii dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Maqaayada Pizza house iyo Maqaayada Bosh oo iska soo horjeeda.

Maqaayadaha la weeraray ayaa waxa ay ku yaallan agagaarka Isgoyska Banaadir dhinaca Degmada Hodan.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen 3 nin oo hubeysanaa kuwaas oo ilaa iyo xalay ka daagalamayay gudaha Maqaayada Pizza house.

Dhismaha Maqaaxida Pizza House ayaa laga soo saaray meydad badan oo dad ah, kuwaasi oo intii dagaalka uu socday meydkooda meesha uu yaalay, maadaama raggii Shabaabka ahaa ay toogteen dadkaasi.

Dhimashada inta hadda la ogyahay waa 18 ruux  waxaana macquul ah in tirada intaasi ay ka badato, maadaama weerarka goor dhaw la soo afjaray oo meydad hor leh laga soo saaraayo dhismaha.

Gaadiidka ambalaaska ayaa qaaday ku dhawaad 30 ruux oo dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray weerarka, waxaana la geeyay Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku yaal, halkaasi oo lagu dabiibaayo.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen mas’uuliyadda weerar xooggan oo Qarax ku bilowday  kaasi oo xalay fiidkii ay ku qaadeen Maqaayadaha Pizza house iyo Bosh oo ku yaalla Degmada Hodan.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!