Wararkii ugu dambeeyay Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayan Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo maanta ka dhacay Xarunta Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa lagu weeraray Xarunta Degmada Howlwadaag ,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada maamulka Degmada Howlwadaag ayaa ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday Xarunta Degmada,isagoo sheegay in weerarkaasi uu ku dhaawacmay Gudoomiye ku xigeeka Amniga iyo Siyaasada Howlwadaag iyo dad kale oo shacab ah oo goobta ka agdhawaa.

Barqonimadii maanta ayaa waxaa weerar ismiidamin ahaa lagu qaaday Xarunta Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan,iyadoo inta badan ay sheegtaan mas’uuliyada weeraradaan oo kale Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!