Wararkii ugu dambeeyay Shirka ka socda Garoowe oo la soo gaba-gabeynayo

Read Time:59 Second

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa weli ka socda Shirka Madasha Arragti Wadaaga oo soo qaban qaabiyay Machadka Cilmi baarista  ee Heritage, kaasi labadii  maalin ee lasoo dhaafay ka socda Magaaladaas.

Shirka oo Maanta oo sabti ah la soo gaba-gabeeyn doono ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Xildhibaano, Wasiiro, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiin badan oo lagu casuumay.

Madasha Sanadkan oo ku soo aaday xilli dalku ku jiro marxalad kala guur ayaa looga hadlayay arrimaha siyaasadda, amniga, arrimaha bulshada, iyadoo cinwaanka Madashan uu ahaa Sidee Soomaaliya uga bixi kartaa Kumeel gaarnimada daba dheeraatay sanadka 2025, si loo helo dastuur dhameystiran, nidaam Federaal shaqeynaya, doorasho qof iyo cod iyo qodobo kale.

Waxaa maanta la filayaa in Madasha laga soo saaro War-murtiyeed, iyadoo tan iyo xalay laga shaqeynayay, waxaana xubno ka kala socday dhinacyada ka qeyb galaya shirka ayaa ka shirsanaa go’aan ka gaarista War Murtiyeed la isku raacsan yahay oo Madasha laga soo saaro.

Madashan oo sanadle ah oo saddexdii sano ee u dambeysay lagu qabanayay lagu qabanayay dalka Jabuuti ayaa sanadkan markii u horeysay lagu qabtay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Garowe.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %