Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxii caawa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa laga soo wariyey agagaarka Hotel-ka Hilaac oo ku dhegan Hotel Maka Al Mukarama.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyey weerarka lagu dilay 5 ruux, islamarkaana 25 kale ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxa ayaa tilmaamtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa Hotel Maka Al Mukarama.

Wararka ayaa sheegaya in Dabley hubeysan ay gudaha u galeen Hoteelka Maka Al Mukarama.

Waxaa socdoa iska horimaad culus oo u dhaxeeya Dableyda hubeysan iyo Ciidanka Amaanka.