Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Read Time:46 Second

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Qaraxyadan ayaa siyaabo kala duwan maanta uga dhacay nawaaxiga Isgooysyada KM4 iyo Ekis koontarool Balcad ee Magaalada Muqdisho.

Qarax 1-aad ayaa waxuu uu ka dhacay nawaaxiga Isgooyska KM4 kadib markii uu qarxay Gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa.

Ugu yaraan labo Ruux ayaa ku dhintay sida goobjooge uu u xaqiijiyay Warsadaha Mareeg Online.

Sidoo kale, labo Qarax oo nuuca dhulka lagu aaso ayaa maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxaa lagula eegtay Isgooyska Ekis Koontarool Balcad ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa Warsidaha Mareeg Media u sheegay in uu jiro khasaaro kala duwan oo labada Qarax ka soo gaaray Ciidanka AMISOM.

Weli lama oga khasaaraha dhabta ah ee Qaraxyada ka soo gaaray Ciidanka AMISOM.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada Qaraxyadan.

Kooxdu wax faah faahin ah kama aysan bixin khasaaraha ka dhashay Qaraxyada

 

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.