Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho + Sawirro
4 qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Qarax xoogan oo ka dhacay Inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.
Goob-joogayaal ku sugan Wadada Maka-almukaram ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,islamarkaana uu qarxay xili uu marayay xarun lagu magacaabo Midnimo Super Market .
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya oo xiligaas wadada marayay , inkastoo aan si dhab aan loo ogeyn wararkaan.
Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya,waxaana gabi-ahaanba la xirey wadooyinkii soo galayay halka uu qaraxa ka dhacay.
Comments are closed.