Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qarax xoogan oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo aad u xooganaa ayaa waxu ka dhacay ka soo horjeedka Xarunta Booliska ee Janaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa u sheegay warsidaha Mareeg in Qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan labo Ruux, islamarkaana uu dhaawac ka soo gaary Ilaa 7 kale.

Gaadiidka Guramadka degdega ee Amin Ambulance ayaa xaqiijiyay in ay goobta ka qaadeen 7 ruux oo dhaawac ah ,waxaana kujira dadka dhaawacmay Hal Dumar ah ,sida ay kuwarameen Amiin Ambulance.

Qaraxa mas’uuliyadiisa ayaa waxaa sheegtay Al Shabaab.

Weerarkan ayaa waxuu imaanayaa maalin un kadib markii Booliska Soomaaliya ay ka digeen Weeraro xoogan oo ay qorsheenayaan Xoogaga Al Shabaab.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!