Wararkii ugu Dambeeyay Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu Dambeeyay Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax xalay jugtiisa laga maqlay Magaalada Muqdisho,kaasi oo ka dhacay Gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha Xarunta Amal Bank ay ku leedahay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Waxaa sidoo kale la sheegay in qaraxa lagu dhex diyaarinayay Xarunta dhexdeeda,isla markaana uu sidaas ku qarxay,waxaana bur bur xoogan uu soo gaaray Xarunta iyo dhismayaashii ganacsi ee goobta ka Agdhawaa.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo goobta xiray,iyagoona dadka ganacsatada Suuqa bakaaraha saakay u diidayay in ay ka agdhawaadan Goobta,waxaana halkaasi ay ka wadaan baaritaano ku aadan Qaraxa.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi,maadaama ay aheyd xiliga uu ka qaraxa dhacayay xili habeen oo ay dadku hurdayeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More