Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Maanta Ka Dhacay Maqaayad ku taalla Magaalada Kismaayo

Read Time:28 Second

Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka dhacay Qarax Miino oo lagu weeraray Maqaayad ku taalla Magaaladaasi.

Maqaayada maanta la qarxiyay ayaa waxaa fariisan jiray Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo shaah ka cabi jiray.

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku dhaawacantay Qaraxa ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Maqaayada maanta la qarxiyay ayaa waxaa la sheegay in uu soo gaaray burbur xoogan sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan Magaalada Kismaayo.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxa maanta lagu weeraray Maqaayad ku taalla Magaalada Kismaayo.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %