Wararkii ugu dambeeyay Qarax lala beegsaday Guddoomiyaha Deg. Yaaqshiid * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay Qarax lala beegsaday Guddoomiyaha Deg. Yaaqshiid

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada ah oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa Isgoysyada Fagax iyo Towfiiq ee magaalada Muqdisho, waxaana jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa qaraxa lala eegtay guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif, walow uu ka bad-baaday qaraxaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in miinadaasi uu u dhintay xoghayaha guddoomiyaha oo lagu magacaabi jiray Axmed Nuur, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 askari oo kale.

Xaaladda ayaa hadda ah mi degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Dhinaca kale ciidamada Booliiska ayaa fashiliyey qarax miino oo la dhigay agagaarka saldhigga degmada Yaaqshiid, kaas oo ay ugu dambeyn qarxiyeen ciidanka amniga.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho ku soo badanayey qaraxyada soo boodada ah, waxaana ugu dambeeyey midkii shalay lagu dilay mas’uuliyiintii deegaanka Garasbaaley.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.