Wararkii ugu dambeeyay Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Kismaayo

Read Time:46 Second

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula beegsaday mas’uul ka tirsan dowlad Goboleedka Jubaland, kaasi oo jugiisa la maqlay.

Qaraxa waxa lala beegsaday Agaasimaha wasaaradda Kalluumeysiga Jubaland oo lagu magacaabo Maxamed Khaliif, waxaana ku dhaawacmay isaga iyo hal askari oo kamid ah Ilaaladiisa gaarka ah.

Dhaawaca Agaasimaha iyo askariga kale ayaa markiiba loo qaaday isbitaalka Magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad, waxaana gurmad u sameeyay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka.

Intaas kadib Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa sameeyay howlgal baaritaano ah oo ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay qaraxaas lala eegtay Agaasimaha oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Intenet-ka ayey ku sheegteen mas’uuliyada  qaraxaas, iyagoona sheegay inay ku dhaawaceen Agaasime Maxamed Khaliif iyo qaar kamid ilaaladiisa oo xiligii qarxu dhacaayay la socday.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.