Wararkii ugu dambeeyay Qarax khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Gaalkacyo

Read Time:43 Second

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo fiidnimadii horey ee xalay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Puntland.

Qaraxa oo ahaa miino ahaa miino nooca dhulka aasay ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Puntland, xilli ay howl-gal ka wadeen magaaladaasi, gaar ahaan agagaarka Iskuulka Cumar Samatar.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano dheeraad ah qarax, kaddib ka sameeyey xaafado ka tirsan waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Mudddooyinkii la soo dhaafay waxaa  Magaalada Gaalkacyo dhinacyadeeda koonfur & waqooyi ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro weeraro iyo dilal qorsheysan intabta oo sheegteen Al-shabaab.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.