Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhashay gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxuu ka dhacay Isgoyska Km4  gaar ahaan Ex shaneemo Egwadore ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa sheegay in qaraxan uu ku geeriyooday ruuxii watay, kaaso oo lagu magacaabo Eng Maxamed Cabdi Kaariye oo ka mid ahaa dhinyaradda firfircoon ee ka shaqeeya Qandaraasyadda dhismaha Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray aagga uu qaraxa ka dhacay, waxayna shacabka u diidayaan inay maraan halkaasi.

Magaalada Muqdisho waxaa ku kordhay qaraxyada gaadiidkooda loogu xiro masuuliyiinta dowladda iyo shaqaalaha rayidka.

 

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!