Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax miinada nooca gawaarida lagu dhejiyo oo dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga qaraxa lagu xiray oo ahaa nooca raaxada ayaa waxaa la sheegay in uu ka badbaaday qofkii watay oo weli aan la shaacin waxa uu ahaa.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya in labo ruux ay ku dhaawacmee Qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo mudo daqiiqado ah hakiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fasaxeen.

Qof goobjooge ahaa xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa sheegay in mar qura ay ka war heleen jugta qaraxa,isla markaana ay kala carareen,waxaana uu sheegay in xaalada iminka ay tahay mid degan.

Qaraxyada gawaarida lagu dhejiyo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay aad ugu soo badanayeen gudaha Magalada Muqdisho,waxaana todobaadkii la soo dhaafay wadada Maka-Almukarama ka dhacay laba qarax oo ahaa kuwa gawaarida lagu dhejiyo

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!