Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhashay gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxuu ka dhacay Wadadda Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsadaha Mareeg Online in Qaraxa uu ku dhaawacmay hal ruux oo Shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in Gaari qarxay uu la haaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska, kaasi oo magaciisa lagu soo boobay Koronto.

Sarkaalka waxba kama soo gaarin Qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah.

Qaraxii 3-aad oo todobaadkan gudihiisa ka dhaca Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid loo joogteeyay Qaraxyada lagu soo xiro gawaarida iyo kuwa la dhigo waddada hareeraheeda, inkastoo uu socdo howlgal ballaaran uu dhawaan ku dhawaaqay Duqa Magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!