Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

Read Time:26 Second

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, koox hubeysan ayaa Xalay bambo gacmeed ku weerartay xarunta saldhigga Laanta Towfiiq

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay salaadii cishaha kadib inay jug xoogan ka maqleen dhanka xarunta saldhiga kadibna ay xigtay rasaas badan oo ciidamada ay rideen.

Ciidanka Saldhigga ku sugnaa ayaa la sheegay in aysan soo gaarin waxyeelo.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa bilaabay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan, sida ay sheegeen saraakiil qaabilsan ammaanka.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.