Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

Read Time:38 Second

Ugu yaraan 11 Ruux ayaa ku dhimatay, 16 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax loo adeegsaday gaari uu ka dhacay Maqaad ku taalla meel u dhow Hotelka Wehliye ee Wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa la dhigay banaanka hore ee Maqaayada oo lagu magacaabo filsan sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen,waxana xilliga qaraxa uu dhacayey maqaayada ku jiray dad badan oo qaarkood ka cunteynayay,kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday.

Gawaarida gurmadka deg dega ah ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray,kuwaas oo gurmad u sameeyey dadka ku waxyeeloobay qaraxaas.

Laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kaba bixin qaraxaas,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadlaan mas’uuliyiinta tegay goobta uu qaraxa ka dhacay.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.