Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Balcad

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe lagula eegtay Gaadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya,waxaana la sheegay inay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa koowaad ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Gololeey oo u dhaxeeya wadada xiriirisa Balcad iyo Qalimow,waxaana lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano qooqanta oo uu leeyahay taliyaha Ururka 57aad ee Guutada 1aad ee Millateriga Soomaaliya kaas oo lagu Magacaabo Cali Xuubeey.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi uu ku geeriyooday hal Askari halka 2 kale ay ku dhaawacmeen,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in rasaas laga maqlay halka uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa labaad ayaa yimid kadib markii Gaari Cabdi Bile ah oo ka tegay degmada Balcad  gurmadna ahaa lala eegtay,hayeeshee goobjoogayaal ay sheegeen in uusan geysan wax khasaaro ah,iyada oo qaraxyada kadib ciidamada ay rideen rasaas farabadan taas oo aan geysan wax khasaaro ah.

Gaariga Koowaad ee qaraxa lala eegtay ayaa ka tegay saldhig Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin meel u dhow Tuulada gololeey oo lagu Magacaabo Haansheekh,isla markaana uu kusii jeeday Koontoroolka Ceelka Goolow oo dhawaan la geeyay Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!