Wararkii ugu dambeeyay Qarax iyo dagaal xoogan oo ka dhacay G/Gedo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay Qarax iyo dagaal xoogan oo ka dhacay G/Gedo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa baraqadii Maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Yaxaaslow oo u dhexeeya degmooyinka Doolow iyo Luuq ee Gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyey in dagaalka uu ka dambeeyay, ka gadaal markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ku leeyihii deegaanka Yaxaaslow.

Dagaalka oo socday muddo daqiiqado la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn, maadaama ay diideen Ciidanka dowladda in Saldhigooda laga agdhawaado.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka dowladda ee Urrurka Dulmidiid Cabdirisaaq ee fadhigoodu yahay degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa qarax miino nooca dhulka lagu aaso lala eegtay, xili uu marayay deegaan ka tirsan Gobolkaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku warramay in Taliye Cabdirisaaq iyo Ciidamo la socday oo kusii jeeday degmada Luuq lala eegtay qaraxaas, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawacyo ah, sida wararka lagu helayo.

Dhawaan ayey markii Al-shabaab qarax ay ku dhaawaceen Taliyihii Ururka qeybta 43-aad Guutada-10aad-Ururka-49 Maxamed Dheere, isagoona maalmo kadib dhaawicii kasoo gaaray qaraxaas ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More