Wararkii ugu dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hoteel Jaziira ee Muqdisho

Read Time:39 Second

Muqdisho (Mareeg)–Ugu yaraan 10 Ruux ayaa ku dhimatay, ku dhawaad 10 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa lagu dhuftay Hoteel Jazeera oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.DSC_01381

Qaraxan ayaa la sheegayaa in burbur xoogan u geystay qeyb ka mid ah Hoteelka Jazeera oo ay degan yihiin sida la sheegay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Safaaradaha Qadar iyo Chine.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac uu ka sii badan karo maadaama weli aan si dhab ah loo tiro koobin khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.

Hoteelka Jazeera ayaa ku yaala inta u dhaxeya Xarunta UNDP iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaana Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hoteelka mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al Shabaab.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.