Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Galabta Ka Dhacay Muqdisho + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Galabta Ka Dhacay Muqdisho + Sawirro

Ugu yaraan 40 Qof ayaa geeriyootay halka 100 kalena ay dhaawacmeen kadib markii Qarax loo adeegsaday Gaari kuwa Xamuulka qaado ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa  uu ku Qarxay galabta Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa suurtagal ah in uu intaasi uu ka bato Khasaaraha sida ay sheegayaan laamaha Amniga dowlada Federaalka Soomaaliya.

Isbitaalada ku yaalla gudaha Muqdisho ayaa qaarkood Caawa waxaa buux dhaafiyey dadweyne fara badan oo isugu jira kuwa eheladooda oo dhaawacmay ku soo baxay iyo qaar kale oo dhaawacyada iyo meydadka la geeyey ka baadi goobaha dad ay qaraabo yihiin oo ay baadi goobayaan.

Weli waxaa socanaya badbaadinta dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii galabta ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!