Wararkii ugu dambeeyay Iska horimaad ka dhacay Muqdisho

Read Time:45 Second

Waxaa maanta Iska horimaad ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Iska horimaadkan oo u dhaxeeyay Ciidamo Boolis iyo Millateri ah aya waxuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Mareeg Online in labada Ciidan ay ku murmeen dhismo laga sameynayay guri ku yaalla Warshadii hore ee Coca Cola oo u dhow Isgoyska tarabuunka.

Dagaalka ayaa waxaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu ku geeriyooday Sarkaal Kabtan ahaa oo ka tirsanaa ciidamada Millateriga laba ruux oo mid ka mid ah uu Shacab yahay ay ku dhaawacmeen.

Waxaa gebi ahaanba istaagay isku-socodka dadka iyo Gaadiidka Wadada Wadnaha gaar ahaan agagaarka Tarabuunka,waxaana weli mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir weli kama hadlin dagaalkaas, iyada oo Ciidamadii wada dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.