Wararkii ugu dambeeyay Imaaraadka oo joojiyay howlihii Boosaaso +SAWIRO * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay Imaaraadka oo joojiyay howlihii Boosaaso +SAWIRO

madax iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta ka Ambabaxay  Boosaaso, waxaana la sheegay in ay dalkooda dib ugu laabteen.

Saraakiisha Maanta ka duushay garoonka Boosaaso ayaa la sheegay in ay aad u badnaayeen , islamarkaana loo fahmikaray horudhac guurid.

Waxaa la sheegay in ay ka shaqeyn jireen tababarka iyo taakulaynta ciidamada bilayska badda Punland ee PMPF (Puntland Maritime Police Force) ,islamarkaana ay mushaarkooda bixin jireen.

Waxaa sidoo kale ay qaateen qalab yaallay garoonka waxaana ay ka tageen agabkii ciidan ee ka yaallay Puntland.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo ku aadan in maanta garoonka ay ka ambabaxeen Saraakiil u dhalatay Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale jira in Muddo Saacado ah lagu xanibay Garoonka Magaalada Bosaaso diyaaraddii ay raaci rabeen ka dib markii ay baaris diideen.

Ciidamada Ammaanka ayaa Dhawaan gacanta ku dhigay lacag dhan 9.6 Milyan oo doolarka Mareykanka oo Imaaraadka ay wateen laguna qabtay Garoonka Aadan Cadde, inkastoo Imaaraadka ay sheegeen inay aheyd lacag loo waday Ciidamada Imaaraadka ay tababaraan.

Xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay, markii Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay lacagta Imaaraadka ay lahaayeen.



Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!